Dowlada Somalia oo faa’iido Weyn ka Heshay Aqoonsigii Israel ee Somaliland

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Ictiraafkii Somaliland ee Yuhuuda waxa uu Soomaaliya u noqday faa’iido iyo khasaare is barbar socda; hase yeeshee, haatan waxa muuqata in faa’iidadu ka badan tahay khasaarihii laga baqayey.

Kadib xadgudubkii Israa’iil ee dhulka Soomaaliyeed, indhaha caalamka iyo kuwa gobolka ayaa kusoo jeestay Soomaaliya. Gaar ahaan, Soomaaliya waxay heshay saaxiibo waaweyn oo si adag u garab istaagay, garab istaaggu kuma eka oo keliya dhinaca diblomaasiyadda, balse waxa muuqata in taageeradu u kala baxday mid milatari, mid dhaqaale, iyo mid diblomaasiyadeed.

Saaxiibada sida weyn u garab istaagay Soomaaliya, isla markaana halis weyn u arkay waxaa ka socda gobollada waqooyi, waxaa kow ka ah: Turkiga, Sacuudi Carabiya, Masar, iyo weliba dalka Shiinaha.

Waxa muuqata in dalalkan ay halmar ku baraarugeen khatarta ka dhalan karta haddii Yuhuuda halkaas saldhig ka sameysato. Taasi waxa ay sababtay in wixii hadda ka dambeeya indho gaar ah lagu hayo dhaqdhaqaaqyada halkaas ka socda, xitaa haddii si buuxda looga takhaluso ictiraafka beenta ah ee Israa’iil.

Turkiga ayaa mar kale adkeeyay xiriirka dhow ee kala dhexeeya Soomaaliya, isaga oo ballaariyay iskaashiga milatari iyo tababarka Ciidamada Xoogga Dalka.

Ankara ayaa sidoo kale sii wadday qalabaynta iyo tayeynta ciidamada, si ay awood ugu yeeshaan la dagaallanka argagixisada iyo difaaca dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa si cad u sheegay inay ka hortageen dalal rabay inay aqoonsadaan Somaliland isla maalintii ku xigtay tan Israa’iil. Arrintaasna waxaa lagu guuleystay kadib dadaal ay bixiyeen Turkiga, Sacuudiga, iyo Masar.

Masar, oo muddooyinkii dambe xoojisay xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, ayaa muujisay taageero siyaasadeed iyo mid amni, iyadoo la rumeysan yahay in iskaashiga labada dal uu diiradda saarayo tababarka ciidamada, isdhaafsiga khibradda iyo difaaca danaha wadajirka ah ee gobolka.

Soomaaliya maanta waxa ay haysataa fursad aysan horay u haysan, taasoo ah in la dhageysto baahiyaheeda, lana garowsado khataraha ku wajahan, si looga caawiyo inay ka hortagto. Maalmihii u dambeeyay, Muqdisho waxaa si isdaba joog ah uga degayay diyaarado milatari oo sida qalab kala duwan, waxaana la rajaynayaa inay sii socdaan toddobaadyada soo socda.

Iyadoo la kaashanayo dalalkan saaxiibka ah, Soomaaliya ayaa heshay hub iyo qalab milatari oo isugu jira. Gaadiidka gaashaaman iyo kuwa ciidanka. Hubka fudud iyo kuwa dhexe sida qoryaha casriga ah iyo rasaasta. Qalabka isgaarsiinta milatariga.

Diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo loo adeegsado sahanka iyo la dagaallanka argagixisada. Tababar iyo qalab gaar ah oo loogu talagalay cutubyada gaarka ah ee ciidanka.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in hubkan iyo taageeradan ay muhiim u yihiin xoojinta amniga dalka, la dagaallanka Al shabaab, iyo difaaca madax-bannaanida qaranka.

Garab istaagga Turkiga, Masar, Sacuudiga iyo Shiinaha ayaa loo arkaa mid sare u qaadaya kaalinta Soomaaliya ee siyaasadda gobolka, isla markaana muujinaya in ay hesho saaxiibo istaraatiiji ah oo taageera madax-bannaanideeda iyo xasilloonideeda, xilli ay caalamku wajahayo isbeddello amni iyo kuwo siyaasadeed oo xasaasi ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.