Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saartay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka ee dalka, iyadoo ugu baaqday ganacsatada Soomaaliyeed inay tixgeliyaan xaaladda dhaqaale ee muwaadiniinta ayna ka fogaadaan in qiimaha shidaalka lagu kordhiyo wax ka badan inta saxda ah.
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaaraddu si dhow ula socoto isbeddelada ku yimid suuqyada shidaalka, ka dib dagaalka ka socda bariga dhexe, isla markaana ay muhiim tahay in ganacsatada ay muujiyaan mas’uuliyad iyo wadaniyad si aan shacabka loogu sii kordhin culays dhaqaale.
Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiwahaab Cabdi Cumar, ayaa sheegay in dowladda ay ganacsatada si cad ugu wargelisay inaysan muwaadiniinta dusha ka saarin kharash ka badan inta ay xaqa u leeyihiin.
“Ganacsatada waxaan ka codsanay inaysan muwaadiniinta dul saarin wax ka badan inta ay xaqqa u leeyihiin,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka, isagoo intaas ku daray in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta danaha shacabka iyo in la hubiyo in qiimaha shidaalka uusan noqon mid si aan sharci ahayn loo kordhiyo.
Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa sidoo kale xusay in sare u kaca qiimaha shidaalka ee dalka uu qeyb ka yahay isbeddelada ka jira suuqyada caalamka, hase yeeshee ay lagama maarmaan tahay in ganacsatada gudaha ay ka shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa xasilloonida suuqa gudaha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku baaqday in la xoojiyo wada shaqeynta u dhexeysa dowladda iyo ganacsatada, si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed aysan si xad dhaaf ah u saameynin isbeddelada ku yimaada qiimaha shidaalka.
Darawalada gaadiidka bajaajta ayaa dibed bax ka dhigay magaalada Muqdisho iyagoo ka cabanaya qiimaha shidaalka oo kordhay %100, iyagoo dalbanayey in arrintaas at dowladu soo fara geliso ama ka dhaafto canshuurtta inta shidaalku ka raqiisayo, iyadoola xirxiray qaar ka mid ah bajaajleyda.