Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si adag u cambaareyneyso weerarrada iyo faragelinta hubeysan ee ka yimaadda Dalkasta oo shisheeye, gaar ahaan dagaallada iyo duqeymaha ay Iiraan ku beegsatay dhowr dal oo Carbeed.
Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Weerarradan oo geestay burbur iyo khasaare bani’aadanimo ay yihiin kuwo si cad u xadgudbay madaxbannaanida iyo xurmada dalalkaasi.
Wasaaradda ayaa cadeysay in Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso dalalka: Sacuudi Carabiya, Qatar, Kuwait, Urdun, Baxreyn, iyo Cumaan, iyada oo ku dhiirrigelisay inay qaadaan tallaabo kasta oo ay u arkaan mid sharciga waafaqsan oo difaaca amniga, ilaalinta dadkooda, iyo ilaalinta dhulkooda.
“Soomaaliya waxay cadeeneysaa sida ay uga xun tahay dhibaatada ka taagan gobolka, waxayna ku garab taagan tahay wadamada ay saameeyeen falalkaas hubeysan, iyadoo ugu horeyn xustay taageerada buuxda ee ay siineyso Sucuudi Carabiya, Kuwait, iyo Urdun, Qatar, iyo Sultanada Cuman” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya ayaa si gaar ah uga reebtay Dowladda Imaaraadka Carabta warbixintan sababo la xiriira khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, taasoo keentay in aan si rasmi ah loogu darin liiska dowladaha ay saameeyeen duqeymahaas ka yimid Iran.
Ugu dambeyn Bayaanka wasaaradda ayaa shaaca looga qaaday in Soomaaliya taageereyso dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka, waxayna ku boorisay dhinacyada oo dhan in ay u laabtaan wadahadal, dibloomaasi, iyo xal nabadeed si loogu gudbo nabad, xasilooni, iyo wada noolaansho waarta.