Dowladda Iiraan ayaa shaacisay in ciidamadeeda badda ay qabteen laba markab oo ku sugnaa Gacanka Faaris, kuwaas oo siday in ka badan hal milyan oo litir oo shidaal si sharci-darro ah loo tahriibinayay. Howlgalka lagu qabtay maraakiibta ayaa sidoo kale lagu xiray 15 qof oo ajaanib ah oo saarnaa.
Gacanka Faaris waa marin-biyood istiraatiiji ah oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan badaha caalamka, maadaama uu yahay jidka ay maraan Maraakiibta waa weyn ee qaada shidaalka iyo gaaska dunida loo dhoofiyo iyaga oo ka gudba marinada u dhow Badda Cumaan iyo Marinka Hormuz, taas oo ka dhigaysa halbowlaha ganacsiga tamarta caalamka.
