WASHINGTON: Dowladda Mareykanka ayaa u muuqata inay si tartiib ah uga laabaneyso aqoonsigii ay siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya sannadkii 2013 xilligaas oo Ku Meel Gaarkii uu dhammaaday.
Washington waxaa ka socda hadalheyn ku aaddan Maamulka Trump uu u muuqdo inuu dhaqangalinaayo siyaasadda arrimaha dibadda ee ku saleysan mashruuca PROJECT 2025, oo ah siyaasad soo jeedin ka timid koox Conservative oo ay ku jiraan saaxiibada dhow dhow ee Trump.
Siyaasaddan oo ka kooban illaa 900 bog, si weyna looga faalooday ka hor doorashadii 2024, waxay soo jeedineysaa in Mareykanka iska yareeyo ku tiirsanaanta saldhigga #Djibouti, iyo in Somaliland la aqoonsado si looga hortago khatarta Mareykanka ka arko isballaarinta #China ee caalamka.
Dhanka kale, Waaxda Socdaalka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha #DHS ayaa la sheegayaa inay joojiyeen dal-ku-galkii (visa) Xasan Sheekh ugu safri lahaa Mareykanka.
In Mareykanka diido visaha Xasan Sheekh waxaa loogu marmarsiyooday in Trump uu soo saaray wareegto xayiraad saartay illaa 75 waddan oo Soomaaliya ku jirto, kuwaas oo dadkooda aan loo ogoleyn inay u safraan Mareykanka.
Taas waxaa dheer in Mareykanka 7dii bishaan si rasmi ah u JOOJIYAY guud ahaan wixii deeq ahaa ee Soomaaliya la siin jiray ka dib markii la boobay QAMADIGII WFP ee yaallay Muqdisho. Safaaradda Mareykanka ayaaba ku eedeysay inuu XASAN si toos ah ugu lug lahaa jabsiga bakhaarka QAMADIGA.

