Saturday, April 4, 2026

Dowladda Somaliya Oo maanta laba diyaaradood oo hub ah ka dejisay Dhuusamareeb,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laba diyaaradood oo sida hub ah ka dejisay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo hubkan loogu talagalay in lagu qalabeeyo ciidamo gaaraya 1,000 askari oo dhawaan loo soo gabagabeeyay tababar ka socday duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamadan cusub ayaa la filayaa inay xoojiyaan amniga iyo howlgalada ka socda deegaannada Galmudug, xilli dowladdu ay dardar gelinayso qorshayaal amni iyo siyaasadeed oo is barbar socda.

Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamo ka tirsan AUSSOM, gaar ahaan kuwa ka socda Jabuuti, oo ay wehliyaan cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor iyo Danab.

Taliska ugu wayn ee qaybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale halkaas ka howlgala.

Dhanka kale, Guddiga doorashooyinka ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda shaaciyaan jadwalka doorashooyinka isku sidkan ee qof iyo cod ah, kuwaas oo la sheegay inay si xooggan u riixayso Villa Somalia.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo horey iskugu dayay in uu ka soo horjeesto qorshahan codaynta, la filayo inuu berri gaaro Muqdisho. Lama oga weli mowqifka uu ka qaadan doono isbeddellada socda.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga Janaraal Metin Tokel, Kulanka ayaa waxaan diiradda lagu saaray sii adkaynta iskaashiga milateri iyo xoojinta wada-shaqaynta dhanka hawlgallada ciidan, Labada dhinac ayaa si qoro dheer u wada gorfeeyay dardar-gelinta barnaamijyada tababarka, tayeynta ciidammada iyo kor u qaadista awoodda difaaca.

Gebagebadii ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Dalka Gen. Sahal Cabdullaahi waxaa u dhiggiisa uga mahad mahadceliyay garab istaagga walaaltinimo iyo taageerada hagar-la’aaneed ee ay markasta la garab taagan yihiin dib u dhiska iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka.