Dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday dhammaan diyaaradaha militari iyo kuwa xamuulka ee ay leeyihiin ama ay kireysteen Imaaraadka Carabta (UAE) in ay galaan hawada dalka,
Talaabadan ayaa timid kadib markii la tuhmay inay si qarsoodi ah u qaadeen hoggaamiye fallaago Yemeni ah oo baxsad ahaa iyada oo aan oggolaansho ama xog ka hayn hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni.
Ilo-wareedyadaasi waxay intaas ku dareen in mid ka mid ah lix diyaarad oo militari iyo xamuul ah oo Imaaraadku ku soo degayeen garoomada Soomaaliya uu laba jeer jebiyay amarka dowladda federaalka, maalintii Jimcaha iyo Sabtida.
Dowladda federaalka ayaa ku hanjabtay in ay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dayuuradaha Imaaraadka ay wadaan daad gureynta qalab iyo agab kale oo ka yaalla magaalada Boosaaso ka dib markii ay ka war heleen in madaxweyne Xassan Shiikh uu la xirtay Sacuudiga uuna qorsheynayo inuu xiriirka u jaro Imaaraadka.
Go’aanka lagu mamnuucay duulimaadyada Imaaraadka ma saameynayo diyaaradaha rayidka ah sida FlyDubai, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

