Dowladda Spain Oo Sheegtay in aysan ka Qaybgalayn Hawlgal militari ah oo ka Dhaca Marinka Hormuz

Dowladda Spain ayaa sheegtay in aysan ka qaybgalayn wax hawlgal militari ah oo ka dhaca Marinka Hormuz, iyadoo ku tilmaantay dagaalka ay Maraykanka iyo Israa11l kula jiraan Iiraan mid aan sharciyad caalami ah lahayn.

Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ee Spain ayaa Isniintii sheegay in Madrid aysan ku biiri doonin hawlgal kasta oo lagu ilaalinayo marin-biyoodkaas muhiimka ah.

Dowladda isbahaysiga bidix ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Pedro Sánchez ayaa si cad u dhaleeceysay dagaalka, waxaana sidoo kale la sheegay inay mamnuucday in diyaaradaha Maraykanku isticmaalaan qaar ka mid ah saldhigyada militari ee ku yaalla koonfurta Spain oo si wadajir ah loo maamulo.

Wasiirka Gaashaandhigga Margarita Robles ayaa diiday codsi uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku dalbaday taageero militari si loo sugo amniga marinka Hormuz.

Robles waxay sheegtay in Spain aysan qayb ka noqon doonin hawlgalkaas, inkastoo Trump uu uga digay dalalka NATO ee diida codsigiisa inay la kulmi karaan “mustaqbal aad u xun”.

Related posts

Ilhan Cumar ”Dagaalka Trump ku Qaaday Iiraan $2 Bilyan ka badan ayaa ku Baxda Maalin kasta”

Madaxweynaha Iran Oo ka Hadlay Wada-hadal Uu la Yeeshay Dhigiisa Farance

Rag Hubaysan Oo Caawa Weerar ku Dilay Shan Askari Oo ka Tirsan Booliiska Iran.