Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed, taas oo guuleysatay Maryan Qaasim.
Maryan Qaasim, oo ka soo shaqeysay xilal kala duwan oo muhiim ah dowladihii hore ee dalka, ayaa heshay 5 cod, halka tartamihii kale ee Cumar Cabdulle Calasow uu helay 4 cod, kadib codeyn ay sameeyeen sagaalka xubnood ee guddiga.
Guusha Maryan ayaa horey loo saadaalinayay, iyadoo lagu qiimeynayo khibraddeeda ballaaran, maadaama ay hore u soo noqotay wasiir isla markaana khibrad dheer u leedahay arrimaha bani’aadannimada iyo horumarinta xuquuqul insaanka dalka.
Intii ay khudbad ka jeedisay goobta doorashada, Maryan Qaasim waxay si cad u muujisay ujeeddadeeda, iyadoo xustay in aanay usoo istaagin xilka xukun jaceyl dartiis, balse ay rabto in ay adeegto dadkeeda, isla markaana kor u qaado xuquuqul insaanka Soomaaliya.
Dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ayaa imaanaya xilli muhiim ah, kadib markii Soomaaliya ay kala wareegtay Qaramada Midoobay maamulka arrimaha xuquuqul insaanka dalka, taas oo fursad u noqonaysa in la xoojiyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo la socodka xaaladaha gudaha.
