Drones-ka Iran Oo la Sheegay Inay Bur-burin karaan Maraakiibta Dagaalka Maraykanka.

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Warbaahinta Israel oo soo xiganeysa Khabiir dhinaca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ayaa u sheegay in diyaaradaha Duuliye la,aanta Iran ay but burin karaan maraakiibta dagaalka ee Maraykanka, xili markabka USS Abraham Lincoln uu ku sugan yahay Bariga dhexe.

Cameron Chell, ayaa sheegay in awoodda Diyaaradaha Iran aysan ku salaysnayn tignoolajiyad sare, balse ay ku dhisan tahay tiro badan iyo kharash yar, taasoo oo wax yeelo u geysan karta difaaca maraakiibta waaweyn.

Hadalkan ayaa imanaya xilli markabka dagaalka ee Maraykanka, USS Abraham Lincoln, uu galay biyaha hoos yimaada taliska CENTCOM ee Badweynta Hindiya, iyadoo ay sii kordheyso Xiisada gobolka Bariga dhexe ee u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

Saraakiisha Maraykan waxaa ay sheegeen in dhaq-dhaqaaqyada ciidanka la xoojiyay ay qeyb ka yihiin qorsheyaal looga hortagayo Iran, Dhanka kale Iran ay ka digtay in weerar kasta loo arki doono “dagaal buuxa” oo ay Dhulka dhigi doonto Israel iyo saldhigyada Gobolka Bariga dhexe ee Mareykanka

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.