Elon Musk: “Somaliya Waxay Hoggaamin Doontaa Golaha Ammaanka QM”

by Heemaal News

Elon Musk, oo ah ninka ugu taajirsan dunida kana mid ah dadka ugu saameynta badan baraha bulshada, ayaa qoraal ku daabacay bartiisa X (Twitter), isaga oo kaga falcelinaya doorka Soomaaliya ee la filayo inay dhowaan ka qabato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Elon Musk ayaa sheegay in “Soomaaliya ay noqon doonto labada bilood ee soo socota madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey”, isaga oo hadalkiisa ku sii daray in “arrintani ay wado isbeddel weyn oo lama filaan ah”.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay si rasmi ah isugu diyaarinayso qabashada hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, taasoo ah tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa horumarka iyo kaalinta sii kordhaysa ee ay Soomaaliya ku yeelanayso fagaaraha caalamka.

Khabiirro iyo falanqeeyayaal ayaa aaminsan in hoggaankan uu Soomaaliya siin doono fursad muhiim ah oo ay dunida ugu soo bandhigto isbeddellada dhanka amniga, siyaasadda iyo dib-u-dhiska, isla markaana ay codkeeda si muuqata uga dhex maqashiiso arrimaha caalamiga ah.

Qoraalka Elon Musk ayaa durba helay dareen ballaaran, waxaana uu mar kale iftiimiyay sida ay dunidu ula socdaan doorka cusub ee Soomaaliya ku yeelanayso siyaasadda caalamka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.