Erdogan iyo Mohammed bin Salman ayaa ka wada hadlay qalalaasaha ka jira gobolka

Madaxweynaha Turkiga iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa khadka taleefanka kaga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee ka taagan gobolka.

Sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay baraha bulshada ee madaxtooyada Turkiga, Erdogan ayaa muujiyay walaaciisa ah in “colaadaha ay yeelan doonaan saameyn aad u daran oo ku saabsan amniga gobolka iyo kan caalamka haddii aan la qaadin tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ay wadaan “hawlo muhiim ah” si loo xalliyo khilaafaadka iyada oo loo marayo wadahadal, isla markaana fursad la siiyo diblomaasiyadda ay tahay “habka ugu macquulsan.”

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan