Erdoğan Oo Sheegay in Gaza ay Weli ka Socdaan Xadgudubyo ka Dhan ah Xabbad-joojintii

Screenshot

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in Gaza ay weli ka socdaan xadgudubyo ku saabsan xabbad-joojintii, isagoo ku eedeeyay Israel inay sii waddo weerarrada isla markaana hadda isku dayayso inay qabsato qaybo ka mid ah Lebanon.

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in xitaa dad badan oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo habeenno ku hoyda hoyga dhulka hoostiisa ah ee laga galo marka gantaallada la tuuro, ay hadda u arkaan Benjamin Netanyahu inuu yahay musiibadii ugu weynayd ee ku dhacda Israel tan iyo The Holocaust.

Dhanka kale, madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in mowqifka dalkiisu ee ku aaddan Iran uu yahay mid cad, isagoo xusay in Turkey mar walba ay garab taagan tahay nabadda, balse aysan taageersanayn dagaal.

Erdogan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Ankara ay doonayso in la joojiyo colaadaha ka socota gobolka, isla markaana ay wadaan dadaallo xooggan oo diblomaasiyadeed si loo soo afjaro dagaallada ka jira Bariga Dhexe.

Related posts

FBI-da Mareykanka Oo ka Digtay Weeraro Iran kusoo Qaadi karto Xeebaha Galbeedka Maraykanka.

Madaxwaynayaasha Somaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, Oo Caawa Kulan Xogwaraysi ah ku Yeeshay Magalada Jabuuti.

30 Qof Oo ku Dhimatay Daadad kusoo Fatahay koofurta Itoobiya