Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in Türkiye iyo Masar ay si wadajir ah uga shaqeynayaan dadaallada lagu doonayo in nabad lagu soo dabaalo Qaza, iyo sidoo kale xasilloonida dalka dariska ah ee Liibiya.
“Türkiye waxay Masar kala shaqeyneysaa hindisayaal lagu xaqiijinayo nabadda Qaza, waxaana sii wadi doonnaa dadaalladaas,” ayuu Erdogan ka sheegay shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu Qaahira kula qabtay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi.
“Ujeeddada aan Masar wadaagno weli waa ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Liibiya si dalkaasi loogu suurogeliyo xasillooni waarta,” ayuu raaciyay.
Isagoo xusay in Masar ay horeyba u tahay saaxiibka ganacsi ee ugu weyn Türkiye ku leedahay qaaradda Afrika, Erdogan wuxuu sheegay in Ankara ay hiigsaneyso in ganacsiga labada dal laga kordhiyo $8–9 bilyan ilaa $15 bilyan.
“Türkiye waxay doonaysaa inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay Masar ee dhinacyada ganacsiga iyo gaadiidka badda, xorriyadda maraakiibta, iyo amniga badda,” ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale xusay in Türkiye ay diidan tahay aqoonsiga ay Israa’iil siisay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Markuu ka hadlay xaaladda Suudaan, oo ah dalka deriska la ah Masar ee dhanka koonfureed, Erdogan wuxuu sheegay in Ankara ay doonayso xabbad-joojin Suudaan laga hirgeliyo, kaddibna nabad waarta.
Isagoo ka hadlay xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa Washington iyo Tehran, Erdogan wuxuu yiri: “In arrimaha Iran, oo ay ku jirto arrinta nukliyeerka, lagu xalliyo waddo diblomaasiyadeed waa habka ugu habboon.”
Arrinta Suuriya, madaxweynaha wuxuu carrabka ku adkeeyay in Türkiye ay taageersan tahay isbeddelka weyn ee Suuriya, maadaama gobolka oo dhan uu si weyn uga faa’iideysan doono wadajirka dhuleed iyo midnimada siyaasadeed ee dalkaas.
Erdogan ayaa sidoo kale adkeeyay in inkastoo xabbad-joojin bilooyin socotay, haddana masiibada bani’aadannimo ee Qaza ay weli sii socoto.
Wuxuu ammaanay dadaallada Qaahira ee ku aaddan sidii gargaarka bani’aadannimo ee Türkiye ay u dirtay uu u gaari lahaa Falastiiniyiinta ku sugan Qaza.