Eritrea oo si Adag Uga Hortimid Hadalkii Abiy Ahmed Ee Damaca Badda cas.

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Eritrea ayaa hadda ka jawaabtay hadallada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyadoo sheegtay in dowladda Itoobiya — oo horay u ammaani jirtay doorka Eritrea intii uu socday dagaalka isla markaana guddoonsiin jirtay billado — ay hadda ku hawlan tahay magac-dil ka dhan ah Eritrea.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yamana Gabramasqal, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) ku dhaliilay dowladda Itoobiya, isagoo ku eedeeyay inay Baarlamaanka ka hor sheegtay warar been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

“Sidii ay wada ogyihiin dhammaan, hoggaamiyeyaasha Xisbiga Barwaaqada (PP) iyo saraakiisha sare ee milatariga Itoobiya waxay ammaaneen askarta Eritrea intii uu socday dagaalka iyo xitaa kadib, iyagoo guddoonsiiyay billado qaran,” ayuu yiri Yamana Gabramasqal.

Eritrea, si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in hab-fikirka Itoobiya ee ku saabsan Buuraleyda Golan iyo Badda Cas uu yahay mid is-khilaafsan, isla markaana uu fududeynayo rabitaankeeda ah inay dagaal la gasho Eritrea.

“Beenta ay soo bandhigayaan xisbiga magac-u-yaalka ah ee aan salka lahayn waxay ka timaaddaa ajandahooda ah inay dagaal ku qaadaan Eritrea iyagoo ku marmarsiyoonaya ‘xuquuqda helitaanka badda’,” ayuu yiri Yamana Gambra Masqal.

Tan iyo markii uu xukunka yimid, Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu ka dhigay arrinta helidda Badda Cas ajande qaran oo Itoobiya leedahay.

Inkasta oo uu sheegay inuu adeegsandoono diblomaasiyad si arrintan loo gaaro, haddana lama xusin wax wadahadal furan ah oo u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya oo ku saabsan arrinta helista marin-badeed.

Itoobiya ayaa marar badan soo qaadday arrinta xuduudaha badda, taasoo Eritrea gelisay xaalad milatari oo ciriiri ah. Sidaas awgeed, weli waxaa jira walaac laga qabo suurtagalnimada dagaal u dhexeeya labada dal.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.