Waxaan soo dhaweynayaa go’aammada ku saabsan ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed ee maanta ay soo saartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Dadka iyo Dowladda Soomaaliya waxa ay waajib ugu leeyihiin dalalka aan la wadaagno iskaashiyada iyo xiriirka saaxiibtinimo in ay dhowraan qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, laguna saleeyo xiriirrada labo geesoodka ah danaha wadajirka ah si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukuumaddiisa waxaan ugu yeeraynaa in ay adkeeyaan midnimada Shacabka Soomaaliyeed, mudnaantana la siiyo, wakhtigan xasaasiga ah, xal u helidda arrimaha ku gedaaman dowladnimada oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashooyin loo dhan yahay oo wakhtigooda ku dhaca, ka laabashada go’aammada halka dhinac ah ee uu ku laalay Dastuurka dalka iyo soo celinta shirarka Madasha Watashiga Qaranka oo muhiim u ah marxaladdan.

Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

