Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay Xalay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Weerarka oo ahaa mid ku bilaawday tiro hoobiyaal oo kooxdu ku garaacday qeybo ka mid ah xaafada Bundaweyn ayaa waxa xigay dagaal toos ah oo mudo kooban dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka dowladda ee fariisinta ku lahaa xaafadaas.
Dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka dowladda ayaa la sheegay inuu ahaa mid labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo xalay hurdada u diiday dadka ku nool xaafada Buundoweyn.
Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugna fariisinta Xalay uu ka dhacay dagaalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay iney khasaare kala duwan gaarsiiyeen kooxdii soo weerartay, hayeshee aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray weerarka dhankooda.
“Meydad iyo dhaawacyo wey jiiteen Khawaarijtii weerarka nagu soo qaaday waan iska difaacnay, waxaase jirtay hoobiyaal ay nagu soo tuureen oo xaafadaha qaar ku dhacay mana geysan wax khasaare ah oo marka laga soo tago burbur guryo ay ku dhaceen” ayuu yiri sarkaal lagu magacaabo Ibraahin Deefow oo ka ciidanka Militariga.
Weerarka Xalay ka dhacay xaafada Buundoweyn ee magaalada Baledweyne ayaa kusoo aadaya iyo waayahii lasoo dhaafay xaafadaha magaaladaas ay ahayeen kuwa ka nabad qabay weerarada tooska ah ee kooxda Al-shabaab ka geysato qeybo ka mid ah magaalooyinka dalka.

