Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare kala duwan sababay oo magaalada Baydhabo ku dhaxmaray ciidan uu hogaaminayo sarkaal lagu magacaabo Cabdiraxmaan Nishoow oo horay ugu tirsanaa saraakiisha Ciidanka Xooga ee qeybta 60-aad iyo kuwa maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya.
Dagaalkan ayaa salka ku haya muran dhuleed, kaasoo la sheegay in uu ka bilowday koonfurta magaalada waxaana goobjoogayaal aan la hadalnay inoo sheegeen in dagaalka uu kusii fiday gudaha magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan la isku adeegsaday hub culus, waxaana Suuqa ganacsiga ugu weyn Baydhabo ku dhacay Hoobiye sida laga arkayo muuqaalada iyo sawirada laga helayo Baydhaba.
Xiriirro kala duwan oo aan la sameynay madaxda maamulka Koonfur-galbeed iyo laamaha amaankaba nooma suuragalin inay faah-faahin naga siiyaan dagaalka iyo xiisadda magaalada ka taagan.