Faransiiska Oo ka Digay Faragalin Milatari oo Lagu Sameeyo Iran.

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Alice Ruffo, oo ah kaaliyaha wasiirka ciidamada qalabka sida ee Faransiiska, ayaa sheegtay Axadii in faragelinta militari ee Iran aysan aheyn wado u furan Faransiiska.

“Waxay ila tahay in aan dadka Iran ku taageerno si kasta oo aan awoodno, laakiin faragelinta milatari maaha mid u furan Faransiiska,” ayay tiri.

Alice Ruffo ayaa sidoo kale tiri: “Masiirka dadka Iran waxaa iska leh Iiraaniyiinta, annagana nooma taallo inaan dooranno hoggaamiyeyaashooda.”

Waxay wax laga xumaado ku tilmaamtay in xiritaanka internetka ee baahsan uu ka dhigay mid adag in la diiwaan geliyo dambiyada baahsan ee taliska Iran uu ka galay shacabkiisa.

Wali waxaa jira xiisad ka dhex taagan Maraykanka iyo Iran, taa oo ay maanta sheegtay warbaahinta Iran in dowladdu ay gantaalo ku jawaabi karto.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.