Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay markab shidaal ah oo Ruushka ka yimid kaasoo cunaqabatayn saaran tahay, waxaana uu madaxwayne Macron uu sheegay,inay UK ka taageertay.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Ciidanka Badda Faransiisku subaxnimadii maanta ay galeen markab shidaal ah oo cunaqabatayn saaran tahay, kana yimid Ruushka, islamarkaana lagu tuhunsanaa inuu watay calan been ah.
War lagu shaaciyay barta X, ee Macron wuxuu ku sheegay in markabka lagu qabtay Badda Dhexe iyadoo ay gacan ka geysteen dhowr xulafo, kuwaas oo ay Ciidanka Badda Faransiisku xaqiijiyeen inay ka mid tahay Boqortooyada Ingiriiska.
“Waxaan naga go’an inaan ilaalinno sharciga caalamiga ah oo aan hubinno fulinta wax ku oolka ah ee cunaqabataynta. Hawlaha waxay gacan ka geystaan maalgelinta dagaalka gardarrada ah ee ka dhanka ah Ukraine,” ayuu yiri Macron.
Wuxuu sheegay in baaritaan garsoor la bilaabay, isla markaana markabka loo weeciyay meel kale, hase yeeshee ma uusan sheegin halka loo qaaday.
Dhanka kale Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron kadib markii uu ku dhawaaqay in Ciidanka Badda Faransiiska ay gacanta ku dhigeen markab shidaal oo ka yimid Ruushka, kana socday Badda Mediterranean-ka.

“Tani waa go’aanka saxda ah ee loo baahan yahay si loo hubiyo in shidaalka Ruushku uusan mar dambe maalgelin dagaalka Ruushka,” ayuu Zelensky ku qoray bartiisa X.
Waxa intaa ku daray: “Maraakiibta shidaalka Ruushka ee ka hawlgala xeebaha Yurub waa in la joojiyaa.”
“Sidoo kale, cunaqabataynta ka dhanka ah dhammaan kaabayaasha ‘shadow fleet’-ka waa in ay noqdaan kuwo adag.”
Mar sii horreesay maanta ayuu madaxweyne Volodymyr Zelensky ku canaantay in reer Yurub kacaan oo xeebaha ka qabtaan gaadiidka shiidaalka ee Ruushka ku socda.

