Raβiisul Wasaaraha Boqortooyada Midowday, Keir Starmer, ayaa sheegay in Andrew Mountbatten Windsor, oo hore u ahaa amiir, uu la shaqeeyo hayβadaha Mareykanka ee baaraya faylasha iyo hawlihii la xiriiray maalqabeenkii dambiyada gogol dhaafka lagu helay, Jeffrey Epstein.
Isagoo Sabtidii la hadlay warbaahinta dhammaadka booqasho uu ku joogay Japan, Starmer wuxuu yiri:
βQof kasta oo haya macluumaad waa inuu diyaar u noqdaa inuu la wadaago, nooc kasta oo looga codsado.β
Wuxuu intaas ku daray: βMa noqon kartid mid dhibbanaha u janjeera haddii aadan diyaar u ahayn arrintaas. Dhibbanayaasha Epstein waa inay noqdaan mudnaanta koowaad.β
Markii wax laga weydiiyay in Mountbatten Windsor uu bixinayo raalli-gelin, Starmer wuxuu sheegay in goβaankaasi βuu yahay mid isaga u gaar ahβ.
Hadalladan ayaa imanaya xilli Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ay sheegtay inay sii deyn doonto in ka badan saddex milyan (3,000,000) bog oo dukumeenti ah iyo sidoo kale in ka badan 2,000 fiidiyow iyo 180,000 sawir, kuwaas oo la ururiyay muddo labaatan sano ah oo baaritaanno ah. Epstein ayaa ku dhintay xabsi ku yaalla New York sanadkii 2019, isagoo sugayay maxkamadeyn la xiriirta dambiyo tahriibin Gogol dhaaf.
Sii deynta faylashan ayaa dib u kicisay suβaalo ku saabsan in amiirkii hore ee Britain, oo sanadkii hore laga qaaday darajadiisa sababo la xiriira xiriirkii uu la lahaa Epstein, uu la shaqeeyo hayβadaha Mareykanka.
Mountbatten Windsor, oo muddo dheer iska fogeeyay eedeymaha la xiriira Epstein, ayaa ilaa hadda iska indha tiray codsi kaga yimid xubno ka tirsan Guddiga Kormeerka Aqalka Wakiillada Mareykanka, kuwaas oo ka dalbaday wareysi la diiwaangeliyo oo ku saabsan βsaaxiibtinimadiisii muddada dheerβ ee Epstein.
Faylasha la sii daayay ayaa sidoo kale horseeday is casilaadda sarkaal Slovaki ah, oo lagu magacaabo Miroslav Lajcak, oo hore muddo sanad ah u soo noqday Guddoomiyaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Dukumeentiyadu waxay muujinayaan is-dhaafsi iimaylo ah oo Epstein la yeeshay shaqsiyaad caan ah oo ka kala tirsan siyaasadda, ganacsiga iyo hayβadaha samafalka.
Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa dhankeeda wajahaysa dhaleeceyn ku saabsan sida ay u maamushay sii deynta dukumeentiyada, iyadoo koox ka mid ah dhibbanayaashii Epstein ay sheegeen in dukumeentiyada cusub ay sahlan tahay in lagu aqoonsado dhibbanayaasha, balse aan si cad loo muujin kuwa suuragalka ah ee kaalin ku lahaa dambiyada.
βAnnaga oo ah dad badbaaday, marnaba ma aha inaan annagu noqono kuwa la magacaabo, la baaro, lana dhaawaco mar kale, halka kuwa Epstein u fududeeyay dambiyadiisa ay weli yihiin kuwa la qarinayo,β ayay yiraahdeen.
Lajcak laguma eedeyn wax dambi ah, balse wuxuu xilka iska casilay kaddib markii iimaylo la shaaciyay ay muujinayeen in Epstein uu ku casuumay casho iyo kulammo kale sanadkii 2018.