Fiqi: Israa’iil waxay doonaysaa in Falastiiniyiinta si xoog loogu soo raro Somaliland, Soomaaliya-na way ka hortagayso

by Heemaal
1 minutes read

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay heeyso macluumaad muujinaya in Israa’iil ay waddo qorshe halis ah oo lagu doonayo in Falastiiniyiin si khasab ah loogu soo raro Somaliland, taasoo ay Dowladda ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo wareysi siiyay Aljazeera Mubasher ayaa sheegay in hay’adaha amniga iyo diblomaasiyadda Soomaaliya ay heleen xog muujinaysa in Israa’iil ay xiriir la samaynayso hoggaamiyeyaasha Somaliland, si ay u fuliso qorshahan.

Wuxuu adkeeyay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uusan wax awood sharci ah u lahayn inuu aqoonsi siiyo ama heshiis ula galo maamul ka tirsan dhulka Soomaaliya.

“Arrintani waa weerar toos ah oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirku wuxuu kaloo shaaca ka qaaday in Israa’iil ay danaynayso in ay saldhig ciidan ka dhisato waqooyiga Soomaaliya, sababo la xiriira muhiimadda istaraatiijiyadeed ee goobta oo ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab, Badda Cas iyo Badda Carabta.

Sida uu sheegay, qorshahan wuxuu qeyb ka yahay istaraatiijiyad ballaaran oo lagu doonayo in lagu wiiqo xasilloonida Geeska Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay inay adeegsan doonto dhammaan dariiqyada diblomaasiyadeed iyo sharciyeed si ay uga hortagto tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada dalka.

Wasiir Fiqi wuxuu tilmaamay in Midowga Afrika iyo saaxiibbada caalamiga ah ay fahamsan yihiin khatarta ay arrintani ku leedahay nabadda gobolka.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa uga mahadceliyay dalal badan oo Carbeed iyo kuwo gobolka ah, sida Sacuudiga, Qadar, Masar iyo Turkiga, iyo sidoo kale Jaamacadda Carabta iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka, taageeradooda ku aaddan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.