Garoonka ugu weyn Israa’iil oo dib u furmaya “qaab aad u xaddidan”

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee ugu weyn Israa’iil, Ben Gurion Airport, oo ku dhow Tel Aviv, ayaa sheegay inuu filayo inuu dib u furmo fiidnimada maanta, balse uu ku shaqeyn doono “qaab aad u xaddidan”.

Farriin lagu daabacay kanaalkiisa WhatsApp, oo ay werisay Reuters, ayaa lagu sheegay in howlaha duullimaadyadu si tartiib tartiib ah u ballaaran doonaan laga bilaabo Talaadada, iyadoo ku xiran xaaladda amni. Waxaa la filayaa in marka hore ay dib u bilaabaan duullimaadyada shirkadaha diyaaradaha Israa’iil.

El Al Israel Airlines ayaa sheegtay inay raadinayso oggolaansho ay ku fuliso duullimaadyo gaar ah (charter) oo ka imanaya Yurub kuna socda meelo ku dhow xuduudaha Israa’iil, si dib loogu soo celiyo rakaab ku xayiran dibadda.

Shirkaddu waxay sheegtay inay qorsheyneyso duullimaadyo ka imanaya in ka badan 20 magaalo, oo ay ku jiraan New York City, Miami, Los Angeles, Bangkok, London, iyo Paris, si dib loogu soo celiyo qiyaastii 40,000 oo rakaab ah.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan