“Go’aanka Uu Maanta Qaatay Ingiriisku wuu Halis-galinayaa Dadka UK..”Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa ayaa ka hadlay go’aanka ay dawlada UK ku ogolaatay in saldhigyadiisa bariga dhexe uu Maraykanku u isticmaalo weerarada ka dhanka ah Iiraan, kaasoo la rabo in lagu furo marin-biyoodka Strait of Hormuz.

Araghchi oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yiri: “Inta badan shacabka Ingiriiska ma rabaan wax door ah oo ay ku yeeshaan dagaalkan ay Israa’iil iyo Mareykanku doorteen ee ka dhanka ah Iiraan.

Iyadoo la iska indho tirayo rabitaanka shacabka, Mr. Starmer wuxuu halis gelinayaa nolosha dadka Ingiriiska, isagoo oggolaanaya in saldhigyada Britain loo adeegsado weerarro lagu qaadayo Iiraan.

Iiraan waxay adeegsan doontaa xaqeeda difaac ee nafteeda.”

Related posts

Senatoro Su’aalo Adag ka Weydiisay Janaraal Ciidanka Mareykanka ah Dagaalka Iran

Dhaqaalaha dalka Qatar Oo Hoos u Dhac ku yimid dhawaad 9%.

Sri Lanka Oo Maraykanka ka Diiday Inuu Isticmaalo Garoonka Caalamiga ah ee Mattala Rajapaksa.