Waxaa maalmahan sii kordhaya suurtagalnimada in Somaliland ay hesho aqoonsi caalami ah, balse waxaa hareer socda walaac ku saabsan waxa laga bixinayo aqoonsigaas iyo cawaaqibta ka dhalan karta. Arrintan ayaa si gaar ah u soo ifbaxday kadib heshiisyo iyo warbixino la xiriira xiriirka Somaliland la sameyneyso dalal kale sida Ethiopia iyo Israel.
Heshiiskii hore ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia ayaa si weyn u kiciyay doodda ku saabsan mustaqbalka gobolka Awdal. Heshiiskaas ayaa la sheegay inuu Ethiopia siinayo marin badeed iyo saldhig milatari oo ku yaalla xeebaha gobolka, taas oo beddelkeeda la sheegay in Ethiopia ay ka fiirsaneyso aqoonsiga Somaliland. Inkastoo heshiiskaas lagu sheegay inuu yahay iskaashi dhaqaale iyo amni, haddana dad badan ayaa u arkay inuu albaab u furayo in dhul la siiyo dal kale si loo helo aqoonsi siyaasadeed, iyadda oo Soomali ahaan ay waliba tani ay tahay in qabiilk uu qabiil kale dhulkiisa siiyo dad kale uu isagu u helo dantiisa gaarka ah.
Gobolka Awdal ayaa noqday mid si gaar ah loogu xuso dhacdooyinka, maadaama uu yahay meel muhiim ah oo ku taalla xeebta isku xidha badda cas iyo gacanka cadmeed . Qaar ka mid ah dadka falanqeeya siyaasadda gobolka waxay ka digayaan in haddii aqoonsiga Somaliland lagu xiro heshiisyo noocaas ah, ay dhici karin in gobolka Awdal ama qaybo ka mid ah loo adeegsado gorgortan siyaasadeed, ha noqoto dawlada fadaraalka ama dalal kale, taasina soo dadajinayso burburka Somaliland, oo marka horeba shacabka awdal uu saluug xoog leh ka qabo.
Warbixin uu daabacay Bloomberg ayaa sidoo kale xustay in ay jiraan xiriirro iyo wada-hadallo u dhexeeya Somaliland iyo Israel. Sida lagu sheegay warbixintaas, Israel waxay danaynaysaa inay saaxiib cusub ka hesho gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan meel u dhow marinada muhiimka ah ee ganacsiga caalamka. Somaliland dhinaceeda waxaa la sheegay inay aragto xiriirkaas mid ka caawin kara helitaanka aqoonsi caalami ah iyo taageero siyaasadeed, waxayna sheegatay in aan ilaa hadda laga wadahadal saldhig milatari, balse ay suurtagal tahay ayna soo dhawaynayaan, iyadda oo warbixinka lagu xusay in saldhigu loo asteeyey meel 100 km galbeed kaga beegan Berbera, halkaas oo ah gobolka Awdal.
Si kastaba ha ahaatee, doodaha ku saabsan xiriirka Somaliland iyo Israel ayaa iyaguna dhaliyay muran. Qaar ka mid ah dadka ka faallooda arrimaha gobolka waxay sheegayaan in haddii aqoonsiga Somaliland lagu xiro heshiisyo siyaasadeed ama milatari oo lala galo dalal kale, ay dhici karto in arrinta aqoonsigu noqoto mid lagu helo beddel dhul ama saameyn istaraatiiji ah.
Arrimahan oo dhan ayaa keentay in su’aalo badan la iska weydiiyo waxa dhab ahaantii ka dambeeya dadaallada aqoonsi raadinta Somaliland. Waxayna u muuqataa in aqoonsigii Somaliland uu ku soo koobmay, in lagu gorgortamo gobolka Awdal, oo loo tix galiyo dhul banaan oo ayna cidna daganayn.