Golaha Amaanka QM Oo Shir Deg deg ah ka Yeelanaya Weerarka USA ee Venezuela

by Heemaal
1 minutes read

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in berri la qaban doono shir degdeg ah oo looga arrinsanayo howlgalka militari ee Mareykanka ka fuliyay dalka Venezuela.

Shirkan ayaa yimid kaddib walaac caalami ah oo ka dhashay tallaabada Washington ay qaadday, taasoo saameyn ballaaran ku yeelatay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalkaas.

Shirkan degdegga ah waxaa codsaday dalka Kolombiya oo xubin aan joogto ahayn ka ah Golaha Ammaanka, waxaana taageeray xubnaha joogtada ah ee Shiinaha iyo Ruushka.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in doodda diiradda lagu saari doono sharcinimada howlgalka Mareykanka, saameynta uu ku leeyahay madax-bannaanida Venezuela, iyo cawaaqibta amni ee ka dhalan karta gobolka Latin America.

Ciidamada Mareykanka ayaa labo habeen ka hor howlgal culus ka fuliyey magaalada Caracas ee caasimada Venezuela halkaasoo ay ku soo qabteen madaxweynihii dalkaas iyo xaaskiisa oo la filayo in maxkamad lagu soo taago Mareykanka.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.