Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay amniga dalka, howlgallada socda ee ay wadaan Ciidamada Qaranka, iyo gogosha wadahadal ee ay u fidisay Xukuumadda DanQaran dhinacyada siyaasadda.
Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa lagu bogaadiyey Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo shalay Al shabaab ku jabiyey deegaanka Kudhaa, oo ay isku dayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka deegaannadaasi, balse Ciidamada Qaranka ay ka difaaceen weerarkii naf la caariga ahaa ee ay soo qaadeen.
Kulanka Golaha ayaa intii uu socday, waxaa lagu ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya maamullada dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS, iyo Siyaasadda Boostada Soomaaliyeed ee 2025–2030, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.
Sidoo kale, Golaha waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan Siyaasadda Maareynta Wax-qabadka Isku-dhafan ee hey’adaha dowladda iyo Shirka Wadatashiga Siyaasadda ee ay Xukuumadda DanQaran ku dhawaaqday.
Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa mahadcelin u jeediyey Golaha Wasiirrada oo maanta meel mariyey Is-afgaradka ka dhexeeya maamullada Dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya.
Is-afgaradkan ayaa xoojinaya iskaashiga iyo xog-wadaagga dalalka gobolka, waxaana uu gacan ka geysanayaa hubinta badbaadada, ilaalinta deegaanka, iyo kordhinta kalsoonida dekedaha.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta shuruucda muhiimka u ah danaha qaranka, si loo helo bad ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo.



