Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran ayaa si Adag Uga Jawaabay Hanjabaad culus oo maanta uga timid Madaxweynaha Mareykanka Donal Trump.
“Dhaqdhaqaaqyadaada aan laga fiirsan waxay Maraykanka u jiidayaan Naar holceysa oo qoys kasta oo Mareykan ah taabanaysa, waxayna gobolka oo dhan u horseedi doonaan in uu gubto sababtoo ah waxaad ku adkaysatay inaad raacdo amarada Netanyahu.” Ayuu ku yiri
Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Iran ayaa u muuqda mid jawaab u ah hanjabaaddii uu maanta Trump ugu diray Tehran.
Wasaarada Arrimaha Dibada Iiraan ayaa sheegay in weerar kasta oo lagu qaado kaabayaasha Iiraan looga jawaabi doono weeraro adag oo lagu qaadi doono kuwa Mareykanka ama kaabayaasha xidhiidhka la leh Mareykanka.
Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijiyay inuu ku biirayo hawlgalka uu Mareykanku hogaaminayo ee lagu furayo marin biyoodka Hormus, Lataliyaha Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa sidaasi sheegay.
Taliska dhexe ee Maraykanka oo war ka soo saaray badbaadinta laba askari oo Iran ku Xanibnaa
Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijyey in ciidamada Mareykanka ay dhameystireen badbaadinta laba Ameerikaan ah ka dib markii diyaarad dagaal laga soo riday maalintii Khamiista.
Bayaan ay soo saareen ayay ku yiraahdeen: “April 4-teeda, ciidamada Mareykanku waxay si guul leh u dhammaystireen soo badbaadinta laba xubnood oo ka tirsan ciidanka Mareykanka kuwaas oo laga soo saaray Iran, ka dib markii diyaaraddooda dagaalka ee nooca F-15E la soo riday April 2-deeda xilli ay ku jireen hawlgal dagaal.
“Xubnaha adeegga waxaa lagu soo badbaadiyay hawlgallo baaris iyo soo-badbaadin ah oo kala duwan oo si nabad ah lagu soo afjaray.
“Duqeymaha Mareykanka ee gudaha Iran way sii socdaan, iyadoo ciidamada Taliska Dhexe ee Mareykanku ay burburinayaan awoodda nidaamka Iran uu ku muujiyo awooddiisa ka baxsan xuduudihiisa.”