Hadal hayn ka Dhalatay Jaakad ay Xiratay Xaaska Trump Melania

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Baraha bulshada iyo warbaahinta qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa durbaba qabsaday fasiraado iyo eedeymo kala duwan oo ku wajahan jaakad fariini ku qorantahay oo ay xiratay xaaska madaxweynaha Maraykanka, haweenayda lagu magacaabo Melania Trump.

Waxay noqotay wax aad loola yaabo in xaaska Trump ay soo xiratay jaakad ay samaysay shirkadda Zara oo ay ku qoranyihiin erayada “Wax iga quseeya ma jiraan, adigana?”, taas oo joogta qiimo dhan $39 doolar.

Waxa la sheegay in Ms Trump ay jaakadan xiratay xili ay kusii jeedday goob lagu hayay carruur laga soocay waalidkooda oo sharci daro ku galayay Maraykankan, kuwaas oo xabsi la dhigay.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.