Hadallo Kulul Oo Baraha Bulshada ku dhex maray Maalqabeen Elon Musk iyo Ilhaan Cumar

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Waxaa mar kale baraha bulshada ku soo laabtay is–dhaafsi hadallo kulul oo u dhexeeya xildhibaanadda Maraykanka Ilhaan Cumar iyo maalqabeenka caanka ah ee Elon Musk, kaddib qoraal uu Musk ku daabacay bartiisa X (Twitter).

Elon Musk ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Ilhaan Cumar ay tusaale u tahay sida uu yiri “degmooyin gaar ah ay codkooda u adeegsadaan qabiil ama asal gaar ah”, isaga oo xusay in “tiro badan oo Soomaali ah oo dhowaan yimid ay degmadaas Minnesota ka dooran doonaan oo keliya qof Soomaali ah si uu ugu matalo Koongareeska Maraykanka.”

Musk ayaa intaas ku daray in arrintan aysan ku koobnayn hal deegaan oo keliya, balse ay ka jirto meelo kale oo badan oo Maraykanka ah, inkastoo sida uu sheegay ay “qarsoon tahay”, hase yeeshee saameynteedu ay tahay mid la mid ah isla markaana “xun”.

Balse xildhibaanadda Ilhaan Cumar ayaa si degdeg ah uga jawaabtay hadalka Musk, iyada oo si adag u beenisay eedeyntaasi. Waxay sheegtay in degmada ay ka soo baxday ay u badan yihiin dad caddaan ah, isla markaana Musk uusan wax xog ah u hayn xaqiiqada dhabta ah.

“Waxaad ka mid tahay dadka ugu caqliga liita adduunka. Degmadaydu dhab ahaantii waa degmo ay u badan yihiin dad caddaan ah. Aragtiyadaada shirqoolka ah waa wax lagu qoslo, mana laha meel ay kaga jirto bulsho danaynaysa xaqiiqooyinka iyo runta,” ayay tiri xildhibaanad Ilhaan Cumar.

Is–weydaarsigan hadallada ah ma aha markii ugu horreysay ee uu dhex maro Elon Musk iyo Ilhaan Cumar, maadaama ay horey dhowr jeer ugu murmeen arrimo siyaasadeed iyo kuwo la xiriira aragtida bulshada Maraykanka, kuwaas oo inta badan dood kulul ka dhaliya baraha bulshada.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.