128
Hay’adaha amniga Israa’iil, ayaa ka digay iskuday ay Iiraan ku doonayso inay ku disho madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac, sida ay werisey warbaahinta Israa’iil ka soo baxda ee i24 News.
Ma cadda tani inay ku filantahay in gudaha Israa’iil laga qorsheynayo dilka Sharac , oo faafintan ay tahay cabirka aragtida dadweynaha oo lagu jiheynayo dhinaca Iiraan.
Dhinaca kale Raysal wasaaraha Israa|l ayaa ka codsaday Madaxweynaha Ruushka, Putin in uu farriin-nabadeed ka gaadhsiiyo Iiraan, iyada oo Netenyaahu tilmaamay in aanu doonayn in xiisad ka dhex curato Iiraan, sida uu ku warramay Telefishinka Israa|l ee KanNews.
Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

