Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa ka digtay in Soomaaliya ay wajahayso xaalad deg-deg ah oo dhinaca caafimaadka iyo nafaqada ah, taas oo ka dhalatay roobab la’aan soo noqnoqotay, sicir-barar ba’an oo ku yimid biyaha, iyo hoos u dhac weyn oo ku yimid gargaarka bani’aadannimo.
MSF ayaa sheegtay in saameynta abaarta iyo gaabiska deeq-bixiyeyaashu ay si gaar ah u saameeyeen barakacayaasha iyo bulshooyinka nugul ee ku nool gobollada Bay, Bakool iyo Mudug, halkaas oo ay ka shaqeyso hay’addu. Kooxaha MSF ayaa arkaya koror aad u sarreeya oo nafaqo-darro ah iyo faafidda cudurro laga hortagi karo sida jadeecada, gawracatada iyo shuban-biyoodka daran.
Bishii Nofeembar 2025, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah oo abaar ah, kaddib markii dalka uu waayay afar xilli-roobaad oo xiriir ah. Warbixinnada Qaramada Midoobey ayaa muujinaya in 4.4 milyan oo qof ay wajihi karaan cunto-yari ba’an dhammaadka 2025, oo ay ku jiraan 1.85 milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano kuwaas oo khatar ugu jira nafaqo-darro daran.
MSF ayaa sidoo kale tilmaantay in in ka badan 3.3 milyan oo qof ay horey uga barakaceen guryahooda, kuwaas oo intooda badan ku nool xeryo ciriiri ah oo ku yaalla Baydhabo iyo Mudug. Hoos u dhaca maalgelinta bani’aadannimo – oo ah midkii ugu hooseeyay tobankii sano ee la soo dhaafay – ayaa sababay in in ka badan 200 xarumo caafimaad iyo nafaqo ah la xiro tan iyo bilowgii 2025.
Magaalada Baydhabo, MSF waxay sheegtay in bishii Oktoobar 2025 tirada carruurta qaba nafaqo-darrada daran ay korortay 48 boqolkiiba, marka loo eego bishii ka horreysay. Isla bishaas, 189 carruur ah ayaa laga daweeyay jadeeco la tuhunsan yahay, iyadoo 95 boqolkiiba aan waligood la tallaalin. Gobolka Mudug, xarumaha quudinta carruurta nafaqo-darrada daran ayaa diiwaangeliyay koror gaaraya 35 boqolkiiba.
“Waxaan aragnaa carruur isbitaalladeenna imaanaya iyagoo xaalad aad u daran ku jira, safarro maalmo qaata ka dib, iyagoo aan helin cunto iyo biyo,” ayay tiri Allara Ali, Xiriiriyaha Mashruuca MSF ee Soomaaliya. “Abaartu kaliya ma engegin ceelasha, balse waxay burburisay nidaamyadii nololeed ee qoysasku ku tiirsanaayeen.”
Abaarta ayaa sidoo kale si weyn u saameysay helitaanka biyaha nadiifka ah. MSF waxay sheegtay in qiimaha fuusto 200-litir ah uu gaaray $2.50 ilaa $4.00 doollar magaalooyinka Baydhabo iyo Mudug, taas oo ka baxsan awoodda qoysas badan oo barakacayaal ah.
“Ma awoodno inaan biyo iibsanno, cuntada iyo biyuhuba way nagu yaryihiin,” ayay tiri Kaltuma Kerow, hooyo 35 jir ah oo ku nool xero barakacayaal oo Baydhabo ku taalla. “Waxaan ka baqeynaa cudurro sida daacuunka.”
Iyadoo laga jawaabayo xaaladda, MSF ayaa bishii Diseembar 2025 ka bilowday hawlgal biya-dhaamis deg-deg ah magaalada Baydhabo, waxayna ilaa bartamaha Janaayo gaarsiisay in ka badan 6 milyan oo litir oo biyo nadiif ah 17 goobood oo xeryo barakacayaal ah. Si kastaba ha ahaatee, MSF waxay sheegtay in baahida jirta ay weli aad uga ballaaran tahay awoodda hadda jirta.
“Xaaladdani waa mid la sii saadaalin karay isla markaana inta badan laga hortagi kari lahaa,” ayuu yiri Elshafie Mohamed, Wakiilka MSF ee Soomaaliya. “Jawaabta bani’aadannimo ee hadda jirta waxay gaartay heerkii ugu hooseeyay toban sano gudahood.”
MSF ayaa ugu baaqday deeq-bixiyeyaasha caalamka iyo maamullada Soomaaliyeed inay si deg-deg ah u sii daayaan maalgelin lagu ballaarinayo barnaamijyada nafaqada, tallaalka iyo biyaha, isla markaana la maalgeliyo xalal waqti-dheer ah oo u adkaysan kara isbeddelka cimilada, si looga hortago khasaaro nafeed oo ballaaran bilaha soo socda.



