Sunday, April 12, 2026

Hindiya Oo si Adag Uga Hadashay Weerarada Israa’iil iyo Lubnaan

by Heemaaln
1 minutes read

Hindiya ayaa walaac ka muujisay “tirada badan ee khasaaraha rayidka ah” ee ka dhashay weerarrada Israa’iil ee Lubnaan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya oo lagu magacaabo Randhir Jaiswal ayaa sheegay in xaaladda hadda taagan ay tahay mid walaac ku haysa Hindiya ayna tahay mid aad u dhib badan, gaar ahaan maadaama Hindiya ay ciidamo ku dartay ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee UNIFIL, ayna si toos ah u daneeyaan nabadda iyo xasilloonida Lubnaan.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in Hindiya ay si dhow ula socoto xaaladda ka socota Lubnaan, isla markaana ahmiyadda ugu weyn ee waddanku ay tahay badqabka muwaadiniinteeda halkaas ku sugan.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Hindiya ay rabto nabad iyo xasillooni ka dhalata Lubnaan ayna la xiriirto beesha caalamka ujeeddadaas.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.