Hindiya Oo Warar Been Abuur ah ku Tilmaantay Warar Laga Baahiyay Inay Aqoonsanayaan Somaliland

by Heemaal
1 minutes read

Dowladda Hindiya ayaa “warar been abuur ah” ku tilmaantay qoraallo lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in Madaxweynaha maamulka Somaliland uu wada-hadallo rasmi ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Narendra Modi, iyo in Hindiya ay qarka u saaran tahay inay aqoonsato Somaliland.

Waaxda Xaqiiqo-Raadinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya oo ka jawaabeysa sheegashooyinkan ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X (ex-Twitter) ku tiri: “Digniin warar been abuur ah! Qoraallada hoose waa been!”.

Caddayntan ayaa timid xilli ay baraha bulshada qabsadeen warar si xawli ah u faafay oo sheegayay in Ra’iisul Wasaare Modi uu wada-hadallo rasmi ah la yeeshay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo in aqoonsiga Somaliland ee “dimoqraadiyadda ugu weyn adduunka” uu soo dhow yahay.

Hindiya ayaa sidoo kale meesha ka saartay wararka sheegaya in Soomaaliya ay u yeeratay danjiraheeda u fadhiya Hindiya sababo la xiriira tallaabada aqoonsiga ee la sheegay, iyadoo caddeysay in wararkaas internet-ka ku jira ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Sawirro (Screenshots) ay wadaagtay waaxdu ayaa muujinayay muuqaallo iyo qoraallo si qaldan u taswiiraya xiriir rasmi ah oo dhex maray Hindiya iyo Somaliland, taas oo dowladda Hindiya sheegtay in aanay waxba ka jirin.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.