Hoggaamiyaha mucaaradka ‘Israa’iil’ Yair Lapid ayaa ku tilmaamay xabbad joojintii xalay Mareekanku la galay Iiraan “masiibo siyaasadeed,” isagoo sheegay in ‘Israa’iil’ aysan wax saameyn ah ku lahayn go’aannada saameeynaya amniga qarankeeda.
Lapid wuxuu sheegay in militariga ‘Israa’iil’ uu gutay waajibaadkiisa, dadweynuhuna ay muujiyeen adkeysi, laakiin Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu wuu ku guuldareystay siyaasad ahaan iyo istaraatiijiyad ahaanba, isagoo aan gaarin mid ka mid ah ujeeddooyinkiisiin.
Hay’adda atoomikada aduunka ee IAEA ayaa soo dhaweysay xabbad-joojinta, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay taageeridda dadaallada dib loogu bilaabayo wada-hadallo diblomaasiyadeed oo lagu xallinayo arrimaha muhiimka ah, oo ay ku jirto barnaamijka nukliyeerka ee Iran. Agaasimaha guud Rafael Grossi ayaa sheegay in hay’addu ay door muhiim ah ka qaadan doonto hubinta iyo kormeerka heshiisyada la gaaro.
Dhanka kale, Ruushka ayaa iyaduna soo dhaweysay xabbad-joojinta u dhexeysa Mareykanka iyo Iran, iyadoo Kremlin-ku muujiyay rajo ah in tani ay fursad u noqon doonto dib u bilaabidda wada-hadallada nabadeed ee saddex geesoodka ah ee ku saabsan dagaalka Ukraine. Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in la filayo in Washington iyo Tehran ay si toos ah u wada xiriiraan maalmaha soo socda si loo sii ambaqaado wadahadallada nabadda.

