Hoggaamiyaha Labour ee Scotland oo ku baaqay in Keir Starmer iska casilo xilka ra’iisul-wasaaraha UK

by Heemaal
1 minutes read

Hoggaamiyaha Labour ee Scotland, Anas Sarwar, ayaa Isniintii ku baaqay in Keir Starmer uu iska casilo xilka ra’iisul-wasaaraha UK iyo sidoo kale hoggaaminta Xisbiga Labour, isagoo sheegay in hoggaanka dalka “uu u baahan yahay isbeddel.”

Sarwar wuxuu sheegay in go’aankaasi “uusan sahlanayn, isla markaana uusan ka madhnayn xanuun,” balse uu carrabka ku adkeeyay in mudnaantiisu tahay “dalkeyga, Scotland.”

Wuxuu yiri: “Taasi waa sababta ay khasab u tahay in jahwareerku dhammaado. Hoggaanka Downing Street-na waa inuu is beddelaa.”

Wuxuu ka digay in dhibaatooyinka ka jira Westminster ay wiiqi karaan fursadaha Labour ee Scotland. “Ma oggolaan karno in fashilka ka jira xudunta Downing Street uu sababo in fashilku ka sii socdo halkan Scotland, sababtoo ah doorashadu waxay saameyn ku leedahay nolosha dadka reer Scotland,” ayuu yiri.

Sarwar wuxuu intaa ku daray: “Xaaladda ka jirta Downing Street ma aha mid ku filan. Khaladaad aad u badan ayaa dhacay. Waxay ballanqaadeen inay ka duwanaan doonaan kuwii ka horreeyay, balse wax badan ayaa dhacay.”

Inkasta oo uu qiray in guulo la gaaray, haddana wuxuu sheegay inay hoos u dhaceen: “Ma jireen waxyaabo wanaagsan? Dabcan way jireen kuwo badan, balse cidina ma ogga, cidina ma maqasho, sababtoo ah waxaa qariyay buuq badan.”

Dhanka kale, Downing Street ayaa diiday baaqyada ah in Starmer xilka ka dego, iyagoo sheegay inuu “haysto mandat cad oo shan sano ah oo ay siiyeen dadka British-ka, isla markaana uu sii wadi doono hirgelinta isbeddelka.”

Starmer ayaa la filayaa inuu hadal u jeediyo xildhibaanada Labour Isniinta dambe, isagoo doonaya inuu xoojiyo taageerada xisbigiisa, xilli uu jiro cadaadis ka dhashay fadeexadda Peter Mandelson ee la xiriirta xog cusub oo ku saabsan faylasha dembiilaha galmada ee la xukumay, Epstein.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.