Guddoomiyaha Guddiga Midowga Yurub, Ursula Von Der Leyen, ayaa sheegtay inay la hadashay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mohammed Bin Salman.
Hoggaamiyaha Midowga Yurub ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonto Amiir Mohammed si “xiisadda loo dejiyo loona ilaaliyo xasilloonida gobolka.”
Von der Leyen ayaa isugu yeeri doonta kulan gaar ah oo amniga ah maalinta Isniinta.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa sheegay inuu kala hadli doono xaaladda Bariga Dhexe Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, inta uu booqashada ku joogo Washington maalinta Talaadada.
Merz ayaa sheegay in barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan uu “halis gelinayo xasilloonida iyo nabadda gobolka”, isla markaana “maamulka Tehran uusan sharciyad u lahayn inuu sii joogo talada.”