Taliyihii sare ee Ciidanka Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka (U.S. Border Patrol), Gregory Bovino, ayaa laga qaaday masuuliyaddii hoggaamineed ee howlgallada xooggan ee ay hay’adaha federaalka ee Immigration and Customs Enforcement (ICE) ku wadeen gobolka Minnesota, kaddib markii ay howlgalkan ka dhaceen laba dil oo ay mareykanka ku waayeen laba muwaadin caddaan ah, taas oo dhalisay kacdoon balaaran iyo cambaareyn siyaasadeed.
Go’aanka lagu beddelay Bovino ayaa la yimid jawi siyaasadeed oo kulul, kadib markii labo Maraykan ah — oo ay ku jiraan 37-sano jir ICU nurse Alex Pretti — lagu toogtay Minneapolis markii ay la kulmeen koox ka tirsan hay’adaha federaalka ee fulinayay howlgallo lagu raad joogay dadka soogalootiga ah. Dadweynaha gobolka ayaa si weyn uga falceliyay, iyadoo muuqaallo ka baxsaday ay ka tarjumayeen caro iyo su’aalo ku saabsan hab-dhaqanka ciidamada.
Madaxtooyada Maraykanka ayaa xaqiijisay in Bovino uu ka bixi doono jagadiisii “commander at large” ee howlgallada ICE ee Minnesota, isla markaana lagu beddelay border czar-ka Trump, Tom Homan, oo laga filayo in uu qaato hogaanka howlgalladaas, si loo yareeyo xiisadda siyaasadeed iyo bulsho ee ka dhalatay falalkaas.
Si kastaba, Afhayeen u hadlay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegay in Bovino uusan gebi ahaanba shaqada laga eryin, balse uu dib ugu noqon doono jagadii hore ee uu ka hayay El Centro, California, taasoo ahaa boos uu ku sii jiri lahaa illaa uu ka hawlgabi lahaa. Hadalkaasi waxa uu muujinayaa in maamulka Washington uu isku dayayo in uu dhexdhexaadiyo culeyska siyaasadeed ee ka taagan howlgalkan.
Tallaabadan lagu wareejiyay hoggaanka howlgalka ayaa loo arkaa mid isbeddel ku ah istiraatiijiyadda Trump ee ku aaddan baacsiga soogalootiga ee gudaha Minnesota, kadib markii cadaadiska siyaasadeed ee gobolkani uu sare u kacay, waxaana saameyn ku yeeshay xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo madaxda gobolka.
Warar dheeraad ah iyo faahfaahin ku saabsan baaritaanka dilalka iyo natiijooyinka siyaasadeed ee ka dhalan kara ayaa la filayaa in ay soo baxaan maalmaha soo socda, iyadoo guud ahaan warbaahinta Maraykanka ay ka hadlaysaa saamaynta ay arrintani ku yeelan karto ololaha siyaasadeed ee socda.