Sida ay uu qoray wargeyska Financial Times; Mareykanka & Iiraan ayaa isku mari la’ cidda maamuleysa marin-ganacsiyeedka Hormuz, iyada oo Iiraan ku adkaysatay in ay iyadu si buuxda u maamuleyso isla markaasna cashuurayso maraakiibta maraysa, iyada oo diiddey in dal kale la maamule.
Iiraan waxay si cad u diidday soo jeedinta Mareykanka ee ah in si waddajir ah ay Iiraan iyo Mareykanku u wada maamulaan marinkaas.
Mareykanku wuxuu doonnayaa in marin biyoodka Hormus si waddajira loo maamulo, balse arintaa Iiraan waa ka biyo diiday, ilaa hada waxaa la galay labo warreeg oo Waddahadalada kamid ah, warreega sedexaad ayaa la filayaa in caawa ama berri midkood la galo.

