Iiraan iyo Shiinaha Oo ku Baaqay in si Deg-deg ah loo sii Daayo Maduro

by Heemaal
1 minutes read

Falcelin caalami ah oo dheeri ah hadda soo baxayso, iyadoo Shiinaha iyo Iiraan oo labadaba xulafo la ah Venezuela – ay ku baaqayaan in la sii daayo Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in ficillada Mareykanka ay yihiin “xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo xeerarka aasaasiga ah ee lagu maamulo xiriirka caalamiga ah” iyo in ay si dhow ula socdaan xaaladda ammaan ee Venezuela.

Waxa ay sidoo kale ugu baaqayaan Washington in ay “joojiso dadaalka lagu doonayo in lagu dumiyo dowladda Venezuela oo lagu xalliyo arrimaha wadahadal iyo gorgortan”. Wasaaraddu waxay samaysay baaqyo la mid ah dhammaadka toddobaadka.

Iiraan oo saaxiib dhow la ah Venezuela ayaa sheegtay in labadaasi qof la afduubtay.

“Ma ahan wax lagu faano; waa fal sharci darro ah,” afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Esmail Baqaei ayaa sidaasi u sheegay AFP.

“Sida shacabka Venezuela ay xoogga saareen, waa in madaxweynahooda la sii daayo.”

Donald Trump ayaa sidoo kale Iiraan u hanjabtay Toddaabkii la soo dhaafay, isagoo uga digay in Mareykanka uu soo faragelin doono haddii la dilo dibadbaxayaal nabadeed.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.