Iiraan oo gantaal ku dhufatay dhisme uu deggen yahay qunsulka Mareykanka ee Israa’iil

HNN: Warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil ayaa sheegaya in qayb ka mid ah gantaal ay ridday Iiraan ay ku dhacday dhisme la deggan yahay oo uu isticmaalo qunsulka Mareykanka ee magaalada Jerusalem. Inkastoo dhacdadani walaac dhalisay, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha Mareykanka ee halkaas ka howlgala.

Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in burburka gantaalka uu ku dhacay meel la deggan yahay kadib markii nidaamyada difaaca hawada ee Israa’iil ay qabteen gantaalka intii uu hawada ku jiray. Maraykanku wuxuu si adag u cambaareeyay weerarrada ay Iiraan iyo maleeshiyaadka ay taageerto ku qaadeen xarumaha diblomaasiyadeed, kuwa milatari iyo sidoo kale kaabayaasha rayidka ee gobolka.

Weerarkan wuxuu qeyb ka ahaa gantaallo dhowr ah oo ay Iiraan ku garaacday Israa’iil maalintii Axadda, kuwaas oo lagu beegsaday bartamaha iyo koonfurta dalka. Inta badan gantaalladaas waxaa hawada ku qabtay nidaamyada difaaca, balse qaybo ka mid ah gantaallada la burburiyay ayaa ku dhacay dhulka, taasoo sababtay khasaare iyo cabsi ka dhalatay deegaannada ay ku dhaceen.

Gantaallada qaarkood ayaa sidoo kale watay hub kala firidhsan (cluster munitions), taas oo kordhisa khatarta ay ku yeelan karaan dadka rayidka ah. Sida ay sheegtay hay’adda gurmadka degdegga ah ee Israa’iil, dhowr qof ayaa ku dhaawacmay weerarradan, oo ay ku jiraan saddex qof oo waayeel ah. Laba nin ayaa la siiyay daaweyn dhaawacyo fudud ah, halka nin kale oo ku sugnaa bartamaha Israa’iil loo qaaday isbitaal isagoo qaba dhaawac dhexdhexaad ah kadib markii muraayado jajabay ay ku dhaceen intii uu socday weerarka gantaallada.

Dhacdadan ayaa sii kordhisay xiisadda ka taagan gobolka, iyadoo Maraykanku mar kale ku celiyay cambaareyntiisa ku aaddan weerarrada lagu qaadayo xarumaha diblomaasiyadeed, milatari iyo kuwa rayidka ah. Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in la joojiyo weerarrada noocan oo kale ah si looga hortago sii xumaatada xaaladda amni ee Bariga Dhexe.

Heemaal News Network.

Related posts

Ilhan Cumar ”Dagaalka Trump ku Qaaday Iiraan $2 Bilyan ka badan ayaa ku Baxda Maalin kasta”

Madaxweynaha Iran Oo ka Hadlay Wada-hadal Uu la Yeeshay Dhigiisa Farance

Rag Hubaysan Oo Caawa Weerar ku Dilay Shan Askari Oo ka Tirsan Booliiska Iran.