Iiraan ayaa Hadda Duqeysay Warshad kiimikada lagu Farsameeyo,ee ku taala magaalada Bersheeba, ee koonfurta Israel, iyadoo ay Israel sheegtay in hal qof ku dhaawacmay waana sidii ay horeba usheegi jirtay dhaawac aan dhimasho lahayn.
Irana ayaa Weerarradii ugu dambeeyay Axadda maanta ku beegsatay aagga Negev iyo hareeraha badda dhimatay, oo ay ku jiraan magaalooyinka Beersheba, Dimona, Arad iyo Yeruham.
Saameynta ugu weyn ayaa ka muuqata aagga warshadaha ee magaalada Beersheba, halkaas oo dab iyo burbur muuqda ay muujinayaan heerka khasaaraha, isla markaana shacabka Israa’iil si toos ah u dareemayaan cawaaqibta dagaalkan iyo saameynta uu ku yeelanayo noloshooda.
48-kii saac ee u dambeysay, iyadoo Israa’iil ay si xooggan u beegsaneysay xarumaha wax-soo-saarka iyo kaabayaasha Iiraan, ayaa Iiraan dhankeeda weerarro culus ku qaaday xarumaha tamarta, warshadaha, iyo goobaha si weyn loo ilaaliyo ee cilmi-baarista iyo horumarinta nukliyeerka Israa’iil.
Iiraan waxay sare u qaaday weerarrada ka dhanka ah xarumaha istaraatijiga ah, kaabayaasha dhaqaalaha iyo bulshada, si ay cadaadis ugu saarto gudaha Israa’iil, una kiciso dareen dadweyne oo keena in Netanyahu lagu qasbo inuu ka baxo dagaalka.
Wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israa’iil, ayaa ku warramay in ciidanka gurmadka degdegga ee Israa’iil ayaa xiray waddooyinka u dhow aagga warshadaha ee Ramat Hovav ee koonfurta dhulka ay Israa’iil haysato, halkaa oo ay maanta Iiraan si xoog leh u weerartay, gantaalana ku qarxisay warshado iyo bakhaaro ku yaalay, iyadoo sababta digniintan loo soo saaray lagu sheegay inay la xiriirto khatar laga cabsi qabo oo ah in ay daataan walxo kiimiko oo halis ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka deggan meelaha u dhowna lagu wargeliyay inay xiraan daaqadahooda, isla markaana damiyaan qalabka qaboojiyaha (AC-ga).