Iiraan ayaa hadda xirtay oo hakisay maraakiibta iyo gaadiidka badda ee marinka Strait of Hormuz, kadib weerarkii Israa’iil ku qaaday Lubnaan.
Tallaabadan ayaa muujinaysa xiisad sii kordheysa oo ka aloosan gobolka, iyadoo laga cabsi qabo inay saameyn weyn ku yeelato isu socodka ganacsiga iyo amniga badda.
Jahwareer ayaa ka jira nooca heshiis ay wadaageen Iiraan iyo Mareykanka ee xabbad-joojinta lugu gaaray, iyadoo hadda laga maqlayo saraakiisha Aqalka Cad heshiiska 10 qodob ee Iiraan ay soo bandhigtay iyo midka ay la wadaagtay Mareykanka inuu kala duwanyahay, xilli dib loo arkayo sare u kaca xiisadda oo ay Iiraan xirtay marin-biyoodka Hormuz , halka ay sheegtay inay isaga baxayso heshiiska haddii aysan Israa’iil joojin weerarrada Lubnaan, sida ay werisey Al Jazeera.

