Dawlada Iiraan ayaa ku Hanjabtay inay ka bixi doonto heshiiska xabbad-joojinta ee ay la gashay Mareykanka haddii Israa’iil ay sii waddo weerarrada ay ka geysaneyso Lubnaan, ka dib duqeymo culus oo maanta Israa’iil ka fulisay Beirut.
Sidoo kale Iiraan ayaa sheegtey in ay xidhay marin-biyoodka Hormuz, aysanna furi doonin ilaa dagaalka laga joojiyo Lubnaan, sida ay werisey ArabNews oo intaasi ku dartay in Aqalka-cad sheegey in heshiiska xabbad-joojin aysan qayb ka ahayn Lubnaan, balse Tahraan waxay sheegeysaa in xataa aysan aadi doonin wada-hadallada Pakistaan, haddii ay sii socdaan duqaymaha Lubnaan.
Iran ayaa ku adkaysatay in xabbad-joojinta kasta ee laga gaaray dagaalka ay qayb ka tahay Lubnaan iyo guud ahaan gobolka, taasoo ay Israel diiday.

