Taliyaha Guud ee Ciidamada Iiraan, Jen. Abdolrahim Mousavi ayaa sheegay in Iiraan ay beddeshay caqiidadeeda militari, kana guurtay difaac una guurtay weerar, isla markaana ay hadda qaadatay istaraatiijiyadda dagaalka, sida ay werisey wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim.
Iiraan ayaa sheegtey in ay Mareykanka wada-hadallo jimacada kula yeelanayaan dalka Cummaan, tani oo imanaysaa xilli saraakiil ka tirsan Aqalka-cad ay sheegeen in ay burbureen wada-hadalladaasi oo Trump uu tallaabo ka qaadi dooni Dahraan.

Trump ayaa waxyar ka hor NBC news u sheegay ; “ Waxaan oggaanay Iiraan inay dhiseyso xarumo cusub oo nukliyeer ah , taa cawaaqibta ka dhalanaya waa inaan dhammeystirnaa shaqadii aan horey u bilownay.”