Iiraan oo si cad u qeexday sobobta ay u weerarto wadamada bariga dhexe

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee Iran ay yihiin jawaab ay ka bixinayaan weerarro ay Maraykanku ka soo qaadeen dhulalka dalal kale oo xulafo la ah.

Wareysi uu siiyay warbaahinta CBS News ayuu ku sheegay in qaar ka mid ah dalalka gobolka ay u oggolaadeen ciidamada Maraykanka in ay dhulkooda ka weeraraan Iran.

Wuxuu yiri:
“Dalalkan waa kuwa u oggolaaday ciidamada Maraykanka inay dhulkooda ka soo weeraraan Iran. Haddaba maxaan samaynaa? Ma iska fadhiisan karnaa oo daawan karnaa iyadoo Maraykanku naga soo weerarayo dhulkooda? Taasi suurtagal ma aha.”

Wasiirku wuxuu sheegay in Iran ay sheeganayso in ay beegsanayso oo keliya meelaha Maraykanku leeyahay, sida saldhigyada ciidamada Maraykanka, qalabka militariga iyo goobaha ay ciidamada Maraykanku ku sugan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in tan iyo markii dagaalku bilowday in ka badan laba toddobaad ka hor, Iran ay weerarro ku qaaday qaar ka mid ah dalalka deriska la ah ee gobolka.

Araghchi ayaa sidoo kale ka hadlay maraakiibta caalamiga ah ee mara marinka badda ee loo yaqaan Strait of Hormuz. Wuxuu sheegay in Iran aysan gebi ahaanba xirin marinkan muhiimka ah, balse ay maraakiibta dalalka kale siinayaan waddo ammaan ah oo ay ku gudbaan.

Wuxuu sheegay in maraakiib badan aysan imanayn sababtoo ah cabsi iyo amni darro ka dhalatay xiisadda iyo weerarrada Maraykanka.

Related posts

Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran Oo ka Hadlay Qiimeyntii ay Sameeyeen Sirdoonka Maraykanka

Saldhiga Maraykanka Ee Kuwait Oo la Weeraray Iyo Markabkii dagaalka Mareykanka Oo dib ugurasho ku jira

Hoobiyaal lagu Garaacay Caawa gudaha Airport-ka Muqdisho Gaar ahaan Xerada Maraykanka