Iiraan ayaa la sheegay iney u ogolaatey Spain iney si xora u mari karaan marin biyoodka Hormus talaabadaasi oo ay Iran u qaaday si ay Spanish-ka ugu abaalmariso ficilada iyo talaabooyinka ka dhanka ah Trump ee uu qaaday Ra’iisal Wasaaraha.
Ra’iisal Wasaaraha Spen ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee si cad u cambaareeyay isagoo sidoo kale ka hor yimid dagaalka uu Mareykanku ku qaaday Iiraan Isla markaana diiday in saldhigyada dalkiisa uu adeegsado Mareykanku.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha dibada !ran, ayaa sheegay in saldhigyada Maraykanku aysan xasilin keenin, balse iyagu yihiinba isha- amni darrada ee ku yaala Bariga dhexe.
“Dagaalkan wuxuu bannaanka keenay xaqiiqoyin badan. Waxaa la ogaaday in saldhigyada Maraykanku aysan xasilooni keenin, balse iyagu halis amni ku yihiin dalalka gobalka. Hadii la duqeeyo, sababtu waa in Saldhigyo Maraykanka ah ku yaallan ee maaha in la duqaynayo dalalka dariska ah.”