HNN: Tehran, March 2026 – Iiraan ayaa xaqiijisay in laba sarkaal oo sare oo ka tirsan amniga Iran ayaa lagu dilay weeraro cirka ah oo gudaha dalka ka dhacay. Labada qof ee la dilay waa Ali Larijani, xoghayaha Golaha Ammaanka Qaranka ee Sare, iyo Gholamreza Soleimani, taliyaha milatariga Basij. Weerarkan ayaa si weyn u saameeyay hogaanka Iran, waxaana magaalada Tehran lagu arkay muuqaallo muujinaya murugo iyo tacsiyo dadweyne.
Larijani iyo Soleimani waxay ka mid ahaayeen saraakiishii ugu sarreysay ee talo siiya madaxweynaha iyo hogaanka sare ee Iran, waxaana loo arkaa inay ahaayeen maskaxdii ka dambeysay qorshayaasha amniga iyo difaaca dalka. Dilkooda waxaa si cad ugu lug leh Israel, oo sheegay in weerarka ahaa mid si gaar ah loogu beegsaday, iyadoo lagu tilmaamay in saraakiishaasi ay qayb ka ahaayeen hanjabaadaha gobolka.
Warbixinno sirdoon ayaa sheegaya in Maraykanka uu qayb ka ahaa hawlgallada milatariga ee gantaalada kaas oo qeyb ka ahaa taageerada Israel si loo xaqiijiyo in weerarka uu guuleysto .
Hogaanka Iran ayaa ka jawaabay iyadoo madaxweynaha dalka uu ballan qaaday “aargoosi daran” oo ka dhan ah cadowga, wuxuuna ku tilmaamay dilka labada sarkaal “fal argagax leh oo aan la aqbali karin”. Dhanka kale, shacabka Tehran ayaa si weyn uga murugooday khasaaraha hogaanka sare ee dalka.
Tallaabadan ayaa muujineysa sida hawlgallada sirdoonka iyo gantaalada casriga ah ay u saameyn karaan xitaa saraakiisha ugu sareysa ee dalka, islamarkaana ay u horseedi karto xiisad siyaasadeed oo culus.
Heemaal News Network