Iiraan: “Weerarada Israa’iil Aan ku Qaadno Waxay Jawaab u yihiin Hanjabaadaha Trump..”

Taliye ka tirsan ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay weerarro ku qaadeen maanta magaalooyinka Israa’iil ee kala ah Dimona iyo Haifa, isaga oo ku tilmaamay “farriin cad oo jawaab u ah” hanjabaadaha Donald Trump ee ku saabsan weerar lagu qaado warshadaha korontada ee Iiraan.

Warbaahinta Press TV ayaa sheegtay in IRGC ay billowday weerarro lagu beegsanayo magaalooyinkaas. Sidoo kale, taliska difaaca gudaha Israa’iil ayaa hore uga digay gantaallo laga soo tuurayo Iiraan oo ku wajahan goobahaasi.

Seyed Majid Mousavi, oo ah taliyaha ciidamada cirka ee IRGC, ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in Trump “ay tahay inuu barto in hanjabaad kasta iyo digniin kasta oo loo jeediyo Iiraan ay qayb ka tahay ficil dagaal”.

Toddobaadkii dhammaadkiisa, Trump ayaa ku hanjabay inuu “baabi’in doono” warshadaha korontada ee Iiraan haddii aan dib loo furin marinka Hormuz, balse Isniintii ayuu sheegay inuu dib u dhigayo tallaabadaas shan maalmood.

Related posts

Maraykanka iyo israa’iiI Oo ka Saaray Liiska Bartilmaameedyada Gud.Barlamaanka Iyo Wasiirka A.Dibada Iran.

Dalalka Khaliijka Oo Mar-kale Bayaan Wada-jir ah kasoo Saaray Weerarada Iiraan.

Shacab ka Carysan Xukuumada Ciro Oo Iskugu soo Baxay Hargeysa iyo Go’aanka barri.