Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ku dhaliishay madaxweynaha Maraykanka in dagaalka uu ku qaaday Iiraan ay kharash badan galisay shacabka Maraykanka, uuna ku baxay dhaqaale badan.
“Toddobaadkii ugu horreeyay ee dagaalka sharci-darrada ah ee Trump ku qaaday Iiraan waxa ay Maraykanka ugu kacday in ka badan $11 bilyan. Maalin kasta waxa uu kharash garaynayaa ku dhowaad $2 bilyan oo kale”
Waxa ay intaasi raacisay ”Qiimaha shidaalku waa kii ugu sarreeyay tan iyo 2023”
Shacabka Maraykanka ayaa sheegtay in aysan ”awoodaan dagaalkan qaaliga ah ee aan dhammaadka lahayn. Waa waqtigii la joojin lahaa ku-takri-falka awoodda ee taxaddar-la’aanta ah ee Trump”